Aqoonyahan Dhawaan Gaaray Deegaanka Muuri Oo Bartiisa Facebooka Soo Dhigay Wiil Yar Oo Naafa Ah Oo Uu Kusoo Arkay Dugsi Uu Booqday (Sawiro)

Aqoonyahan Xasan Maxamed Nuur oo mid ah Aqoonyahaanada Kasoo jeeda Shabeelada hoose dhawan wuxuu booqasho ku tagay deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelada hoose.

Xasan ayaa bartiisa Facebooka soo dhigay isagoo dhex jooga Iskuul ku yaalla Muuri oo ay dhigtaan Ardey tira badan, waxaana ardeyda ka mid ahaa Wiil yar Naafa ah oo Bir ku boodaya, sheekooyin qaarkood la yabaab ku noqotay aqoonyahan Xasan ayuu wiilkaas yarka ah kala kulmay.

Halkan hoose kala soco siday u dhacday sheekada iyo balan qaadka uu soo sameeyey, isagoo weliba codsi u jeedinaya kuwa alla wax u dhiibay ee deeqaha bixiya.

Ku Dhammaam Umadda Soomaaliyeed:
Dhowaan waxaan Booqasho ku tegay tuulada Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaan booqday dhowr Dugsiyo oo halkaasi ku yaala, waxaan la kulmay wiil yar oo lagu magacaabo Xasan oo naafo ah oo kamid ah ardayda dugsiga dhigata ama wax ka barata.

Waxaan aad ugu murgay xaalada nolol xumo ee haysata wiilkan yar, iyo weliba xaalada waxbarashada ka jirta deegaankaasi, waxuu ii sheegay Xasan ” XANUUNKAN WAXAAN BILOWDAY ANIGOO AFAR JIR AH (4) SANO” waxan ka wareystay sida uu u arko waxbarashada waxuu ii sheegay inuu aad ujeclyahay inuu waxbarto helo mustaqbal wanaagsan oo lamid ah kuwa ay helayaaan ardayda kale ee asagaha hada waxbarashada ku wehlisa.

Waxaa kaloo uu sheegay inuu aad ugu xun yahay dhibtaan asaga ku dhacday laakiin uu aaminsan yahay qadarta ALLAH. waxaana ka muuqatay wejigiisa farxad markuu hadalkaasi ii sheegayay, waxuu iga codsaday inaan waxbarashada ku caawiyo waxuuna yiri ” waxaa keliya aad igu caawisaa sidii aan ku noqon lahaa mutacalim noloshiisa iyo noloshada qoyskiisa kaafiya” Aaad ayaan ula yaabay hadalkaasi iyo hamiga ku jira wiilkan yar.

Masha allah ayaan iri. waana usoo balan qaaday intii karaankeyga ah inaan ku caawiyo shaqsiyan.
Sidaasi darteed dhamaan UMADDA Soomaaliyeed, Hay’adaha waxbarashada caawiya waxaan idinka codsanayaa inaad caawisaan wiilkan yarka ah ee ku nool Tuulada Muuri Gobolka Shabellaha Hoose. Dugsiga Hoose Dhaxe ee Muuri.

1044768_10210361700789676_3009510026246092119_n 14364817_10210361702509719_7528311542604773259_n 14368755_10210361702469718_1628276601384500150_n 14370220_10210361702109709_2705236937197113439_n 14432997_10210361700909679_7717800716761537798_n 14448818_10210361700829677_6278439680236016037_n

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open