Beesha Sacad Ermege Ee Beelweynta Biimaal Oo Siman U Qeybsatay Ergada Soo Dooran Doonta Xildhibaanka Beeshooda U Matalaya Baarlamaanka Fedaraalka

Magaalada Kismaay ee xarunta Gobolka Jubada hoose waxa ka socda howlo kala duwan oo la xiriira arimaha doorashooyinka, waxaana aad u mashquul badan oo hoteelada iyo xarumaha Maamulka.

Beesha Biimaal magaalada Kismaayo waxay kasoo dooran doonaan laba Xildhibaan oo kuraastooda la geeyey Gobolada Jubbooyinka maadaama beesha dhul ballaaran ay ka degto deegaanada dhulkaas.

Beesha Sacad Ermege oo ka mid ah Beesha Biimaal ayaa mid ka mid ah kuraasta usoo dooran doonta shkhsiga ay ku aamini karaan Masiirkooda, waxaana xilkaas u taagan ku dhawaad shan musharax oo qaarkood ay dibada ka yimaadeen.

Qoraal lasoo gaarsiiyey Marakacadey ayaa Nabadoonka guud ee Beesha Sacad Ermege Nabadoon Abuukar Maxamed Daahir waxa uu soo xulay ilaa 50 Ergo oo u diyaarsan doorashada kursiga Xildhibaanka.

Jilibyada ay u kala baxdo Sacad Ermege oo gaaraya ilaa shan Jilib ayaa si siman u qeybsaday Ergeda waxaana Jilib kasta kusoo aaday 10 Ergo oo ka madax banaan Nabadoonka guud.

Gacal Adeer, Cali Maxaad, Hablow, Reer Ugaas iyo Reer Xaayle ayaa min 10 Ergo u qeybsaday 51,da kusoo aaday, waxaana ay ka tashteen aayahooda iyagoo meel iska dhigay muranka iyo khaska yaalla Muqdisho, tallaabadan ay qaadeen ay fariin waxay u tahay Beelaha kale ee weli ku muransan Ergooyinka la siiyey ee qaab darada la dhex dhigay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE