Dhageyso Faafaahinno Dheeri Oo Laga Helayo Qarax Wexyeello Geystay Oo KaDhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyey uu ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Jubba.

Gaariga qarxay oo lagu sheegay kuwa raaxada ee Gaaribta ayaa ku qarxay goob shidaal lagu iibiyo  ku taalla Degmada Boondheere, waxaana gaariga xilliga uu qarxayey la sheegay in lagu shubayey shidaal.

Mid ka mid ah dad goob joog ahaa xilliga ay wax dhacaayeen ayaa sheegay in lagu kala cararay qaraxa islamarkaana aanu geysan khasaare sidaa u badan, marka laga reebo dhimashada hal ruux iyo dhaawac todobo kale oo goobta ka agdhawaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open