Dibadbax Looga Soo Horjeedo Dowlada Kenya Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Sawir)

Shacab aad u tira badan oo u badan Haween iyo Caruur ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dibadbaxayaal watay boorar kala duwan oo ay ku qoranyihiin Ereyo ka dhan ah dowlada Kenya oo kusoo xadgudubtay Badda Soomaaliya iyo sida Shacabka ay uga soo horjeedaan xadgudubkaas ayaa muujiyey dareenka ay ka qabaan arintaasi.

Shacabka ayaa isugu yimid fagaaraha daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dibadbaxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Magaalada Hague ee dalka Holan ayaa waxa ka socda dacwad u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taas oo ku saabsan Muranka xadka Badda ee labada dal u dhaxeeya.

1-5 2-3-1 3-4-1 6-27-1-14-5

5-2-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open