Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho madaxweynihii hore ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo hadda ka mid ah murashixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynimada Soomaliya ee dhici doonta bilaha soo socda ayaa diyaarad gaar ah ka soo qaatay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka, Oday-dhaqameed iyo Ganacsato.

Imaatinka Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii shalay ahayd ay soo saartay Xukuumadda Somaliya go’aan looga mamnuucayo wariyaasha in ay galaan garoonka muddo laba bilood ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran