Ra’iisul Wasaare Sharmarke Oo Ugu Baaqay Wasaaradaha Dowladda In La Ilaaliyo Xuquuqda Murashixiinta

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xqfiiska wasiirka koowaad Cumar Cabdirashiid ayaa loogu baaqay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda in ay dhowraan xuquuqda murashixiinta u tartameysa doorashada lagu wado in ay dalka ka qabsoonto.

Warqadan oo ku socota wasaaradaha Amniga iyo warfaafinta iyo taliska ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda, Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka iyo gudoomyaha gobolka ayaa loogu baaqay dhamaan hay’adahaas in ay dhowraan xuquuqda murashixiinta ee dhinacyada amaankooda, in ay kulamo qabtaan iyo in ay saxaafadda la kulmaan.

Ammarkan ka soo baxay Wasiirka kowaad ayaa imaanaya iyadoo hay’adaha ammaanka dowladda ay soo saareen bilihii la soo dhaafay amaro ay ku xanibayaan dhaqdhaqaaqyada Murashixiinta u tartamaya qabashada xilka madaxweyne doorashooyinka dadban ee soo socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open