Tiro Ka Mid Ah Ciidamada Kenya Oo Nolol Iyo Geeri Lagu La’yahay Degmada Libooy Ee Xuduudda Somalia Iyo Kenya

Wararka ka imaanayo deegaanka Libooyo ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegayo in tiro ka tirsan askarta Kenya lagu la’san yahay nolol iyo geeri kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay xalay weerar kula beegsadeen saldhig Boolis oo kuyaala deegaanka Hameey ee degmada Libooyo.

Ilaa 4 askari ayaa la la’yahay meel ay ka baxeen, waxaana la xaiiijiyey dhaawaca 2 askari kale kuwaasoo loo soo duuliyay magaalada Nairobi si xarumaha Caafimaadka halkaasi loogu soo dabiibo.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Alshabaab la baxsadeen gaari noociisa yahay Landcruiser ah oo ciidamada Kenya lahaayeen iyo Hub u badan Qoryo iyo dhar ciidan.

Ciidamada si gaarka u tababaran GSU(General Service Unit) oo adeegsanaayo diyaarado Helicopter ah ayaa xiligan baadigoobayo ciidamada loo maleynayo inay duurka ku yaaceen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran