Deg Deg Ciidamada Deegaanka Oo Caawa Howlgallo Culus Ka Wada Degmada Jannaale Ee Gobolka Shabeelada Hoose

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in caawa howlgal culus uu ka socdo duleedka degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalkan oo ay fulinayaan Ciidamada deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka socdo tuulooyin iyo deegaano dhowr ah oo ay saldhigyo ku leeyihiin Maleeshiyaadka isbaheysiga ee Mooryaanta iyo Alshabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada deegaanka ay beegsadeen xarumo iyo saldhigyo ay degenaayeen Maleeshiyadan oo ay kasoo qaadi jireen weerarada ay ka fuliyaan wadada dheer ee laamiga.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaan wax war kasoo saarin howlgallada lagu bacsanaayo Maleeshiyaadka sharwadayaasha ah ee kasoo hor jeeda nolosha dadka deegaanka.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Ciidamada deegaanka ayaa joogteeyey howlgallo ay ka sameeyaan goobo kala duwan oo ku dhuumaaleysanayaan kooxahan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE