Dowladaha Ingiriiska, Mareykanka Iyo Imaaraadka Oo Gebi Ahaan Joojinaya Tababarka Iyo Lacagta Ay Siiyaan Ciidamada Dowladda

Dowladaha deeqda bixiya ayaa ka quustay in ciidamada dowladda ay noqdaan cidaamo waxtar leh oo ammaanka sugi kara, haddana waxa lagu wadaa in ay joojiyaan qarashka iyo tababarka ay siiyaan ciidamada dowladda.

Wargeyska the Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray in kadib Afar sano oo ay  lacag iyo tababar siinayeen dalalka deeqda bixiya ciidamada dowladda ay aad uga fog yihiin in ay ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Amisom.

Warbixinta ay qortay jariidada ayaa intaa ku dartay in dalalka deeqda bixiya ee qorsheynaya in lacagaha iyo tababarka ay ka joojiyaan ciidamada dowladda Muqdisho ay yihiin dalalka Ingiriiska, Mareykanka iyo Imaaraadka, sababta ay u joojinayaana ay ugu muhiimsan tahay musuq baahsan oo ka jira ciidamada dowladda gaar ahaan Madaxda sar sare ee ciidamada.

Warbixnta ayaa sheegtay in lacagihii iyo tababarkii ay dowladahan siin jireen ciidamada dowladda loo wareejin doono maamul goboleedyada, si loogu tababaro agabna loogu gado ciidamada Daraawiishta ee maamul goboleedyada, kuwaas oo ay sheegeen in ay aad uga fiican yihiin ciidamada Dowladda xagga la dagaalanka Alshabaab.

Tani waxay fursad u tahay maamul hoboleedyada gaar aaan maamulka Koonfur Galbeed si uu kor ugu qaado awooda ciidamadiisa Daraawiishta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE