Faafaahinno Dheeri Ah Oo Laga Helaayo Dagaal Caawa Ka Dhacay Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Caawa uu halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhaxeeeyo Ciidamo ka wada tirsan Maleeshiyada dowlada ee laga maamulo wasaarada Gaashaandhigga, waxaana lagu soo waramayaa in uu dhex maray dagaal cuslus.

Sida ay kusoo waramayaan dad goob joogayaal ah dagaalka ayaa yimid ka dib markii siyaabooyin kala duwan dhinacyada ay isaga dileen ilaa laba askari, waxaana sidaa uga dhex qarxay dagaalka.

Goob joogayasha ayaa intaa ku daray in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar, waxana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaarooyin dhinacyada dagaalamay soo kala gaaray.

Weli wax war kama soo bixin maamulka Dowlada fedaraalka ee gacanta ku haaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran