Gudoomiye Jawaari Oo Ballaan-qaad Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Doorashooyinka U Sameeyay Shacabka K.Galbeed

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa u ballan-qaaday shacabka K.Galbeed in doorashooyinka dadban ee ka dhici doona deegaanada K.Galbeed ay noqon doonaan kuwo ku dhaca si daacad ah oo ay ka ilaalin donaan wax faragelin ah.

Gudoomiye Jawaari oo hadda ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in tegistiisa ay ku qotonto sidii uu u dardar-gelin lahaa howlaha doorashooyinka dadban ee ka dhici doona deegaanada maamulka K.Galbeed.

Mar uu la hadlayay dadka magaalada Baydhabo ayaa gudoomiye Jawaari wuxuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka, ayna aad uga shaqeeyaan horumarka deegaanada K.Galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran