Kulan Lagu Taageerayo Musharaxa Xildhibaan Wasiir Cabdalle Xuseen Cali Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Kulan qado oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada, waxgaradka duubabka, Haweenka, dhalanyarada iyo qeybaha Beesha Dabruube Maxamed ee Beelweynta Biimaal ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho maanta isugu raacay in ay taageeraan Musharaxa Xildhibaan ee Beesha Mudane Cabdalle Xuseen Cali oo xilligan ku magacaaban Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumada fedaraalka.

Kulanka ayaa si buuxda leysugu raacay in xilka xildhibaanimo lagu taageero Musharax Xildhibaan ee aqalka hoose oo uu isu soo sharaxay Cabdalle Xuseen Cali.

Intii kulanka ka qeyb gashay ayaa musharaxa xildhibaanka ku taageeray howlihii kala duwanaa ee uu soo qabtay oo ay ugu horeeyaan kaalintii uu ku lahaa dhismaha Maamulka k/galbeed.

Cabdalle Xuseen Cali oo ka mid ah xildhibaanada Beesha Biimaal ayaa ka mid noqonaya Musharaxiin dhowr ah oo u taagan in ay mar kale dib ugu soo laabtaan kuraasta Baarlamaanka.

img-20160923-wa0041 img-20160923-wa0042 img-20160923-wa0043 img-20160923-wa0044 img-20160923-wa0045 img-20160923-wa0046 img-20160923-wa0047 img-20160923-wa0048 img-20160923-wa0049 img-20160923-wa0050 img-20160923-wa0051 img-20160923-wa0052 img-20160923-wa0053 img-20160923-wa0054 img-20160923-wa0055 img-20160923-wa0056 img-20160923-wa0057 img-20160923-wa0059 img-20160923-wa0060 img-20160923-wa0061 img-20160923-wa0062 img-20160923-wa0063 img-20160923-wa0064 img-20160923-wa0065 img-20160923-wa0066 img-20160923-wa0067 img-20160923-wa0068 img-20160923-wa0069 img-20160923-wa0071 img-20160923-wa0072 img-20160923-wa0073 img-20160923-wa0074 img-20160923-wa0075 img-20160923-wa0076 img-20160923-wa0077 img-20160923-wa0078 img-20160923-wa0079 img-20160923-wa0080

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open