Maxay Tahay Sababta Heegan Loo Geliyay Ciidamada Degmada Afgooye?

Ciidamada kala duwan ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose ayaa heegan buuxda la geliyay sida uu sheegay maamulka degmada Afgooye.

Taliya saldhiga booliska ee degmada Afgooye Maxamed Amiin Cusmaan ayaa sheegay in ciidamada ku sugan degamada heegan loo geliyay si ay uga horgaan weeraro la filayo in ay uga yimaadaan dhinaca xarakada Alshabaab.

Maxamed Amiin ayaa intaas ku daray in ciidamada heeganka la geliyay ay ku jiran ciidamada Daraawiishta K.galbeed ee degmada ku suga, ayna diyaar u yihiin in ay sugaan ammaanka, kana hortagaan qataro kaga yimaada dhinaca Alshabaab.

Ciidamada Amaanka degmada Afgooye ayaa maalmahan ka waday degmada howlgalo ay ku sugayaan ammaanka, iyadoo ay ku soo noq boqdeen falal amniga liddi ku ah oo degmada ka dhaca.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open