Salaad Cali Jeelle Oo Sheegay In Warqadaha Is-dhinac Socda Ee Ka Soo baxaya Xukuumadda, Dalka Fowdo Lagu Gelinayo

Murashax madaxweyne Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta uu waqtigeeda dhammaaday, ammarada is-dhinac socda ee ka soo baxaya xafiisyada dowladda looga gol leeyahay in dalka qalqal lagu geliyo.

Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in dalka marxalad doorasho uu ku jiro, aysana jirin cid ammarada ay soo saarto ay leedahay saameyn oo la fulinayo.

Salaad Cali Jeelle ayaa dhinaca kale sheegay in cidii soo saartay ammaradaas is dhinac socda ay qaadeyso wixii mas’uuliayad ah ee ka dhalata.

Hadalka Salaad Cali ayaa daba socda laba ammar oo ka soo kala baxay hay’adda ammaanka garoonka Aadan Cadde oo wariyayaasha looga mamnuucay muddo laba bilood ah in ammar la’aan ay garoonka soo galaan- taas oo loo qaatay in Murashixiinta iyo wariyayaasha lagu kala horjoogsanayo iyo ammar kale oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid loo hay’adaha ammaanka lagu amrayo in ay ilaaliyaan xuquuqda Murashixiinta oo ah:in ay amaan helaan, xorna u noqdaan la kulanka shacabka iyo wariyayaasha.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE