Sheekh Shariif Oo Sababo Jira Awgood Dib Ugu Dhigay Ku Dhawaaqista Murashaxnimadiisa

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Sheekh Shariif Axmed,haddana lagu waday in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo murashaxnimadiisa qabashada xilka madaxweynanimada Soomaliya ayaa dib u dhigay ku dhawaaqisteeda.

Sheekh Shariif ayaa kadib markii uu maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Muqdisho hadal uu u jeediyay dadweynihii soo dhaweeeyay waxa uu u mahadceliyay Madaxdii, hay’adaha Ammaanka iyo shacabkii soo dhaweeyay.

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in xilliyada soo socda uu ka hadli doono ku dhawaaqista murashaxnimadiisa arinta ku saabsan, iyadoo lagu waday in uu markaasi ku dhawaaqo, mana sheekhin sababta uu dib ugu dhigay.

Sheekh Shariif ayaa ahaa hogaamiyihii ururkii maxkamadaha o mudo gaaban ka taliyay Koonfurta Soomaliya ka hor inta uusan noqon madaxweynaha Soomaliya laga soo bilaabo 2009 ilaa 2012-kii.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran