Wasiir Binti Ibraahim Cali Oo Ka Qeyb Gashay Kulan Looga Hadlayey Qoondada Ay Haweenka Ku Leeyihiin Baarlamaanka Fedaraalka (Sawiro)

Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Maamulka Maamulka Koonfurgalbeed Marwo Binti Ibraahim Cali ayaa ka qeyb gashay kulan looga hadlayey qoondada Haweenka ee %30, ay ku leeyihiin Baarlamaanka soo socda.

Wasiirada oo hogaaminaysay wafdi Haween ah oo ka socda Mamaulka Koonfur galbeed ayaa si wada jir ah u ansaxiyey in Haweenka ay kaalintooda ka qaataan Baarlamaanka cusub ee loo dhisayo dowlada fedaraalka.

Marwo Binti ayaa Haweenka ku amaantay kartida ay u leeyihiin hogaaminta Bulshada iyo Maamul wanaaga, waxaana ay sheegtay in wasaaradeedu ay waqti iyo maskax ku bixin doonto sidii loosoo dhicin lahaa xaqa dumarka ay ku leeyihiin dowlada soo socota.

ounnamed unnamed1 unnamed2 unnamed3 unnamed4 unnamed5 unnamed6 unnamed7 unnamed8 unnamedl

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran