Wasiir Odowaa: Hiiraan Iyo Sh.Dhexe In Laba Maamul Laga Sameeyo Cida Ku Doodeysa Ha Iska Ilowdo

Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay go’aan ku gaartay in wax aan hal maamul ahayn aan loo dhisin labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellada Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa intaas ku daray in haba dheeraatee in labadan gobol hal maamul loo dhisi doono, sabar badana loo yeelan doono dhismihiisa, xitaa hadii ay keeneyso in waqti dheeraad ah ay qaadato maadaama mudo sanad ah hadda uu soo socdo.

Wasiir Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ugu baaqay cidii wax tabaneyso in ay miiska wadahadalada soo fariistaan, si loo xalliyo arimaha leysku haayo.

Hadalka wasir Odawaa ayaa imaanaya iyadoo dhowaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yusuf Dabageed uu sheegay in maamulkiisa uusan aqoonsaneyn shirka dhowaan dib uga furmay magaalada Jowhar, wixii natiijo ah ee ka soo baxana aysan marna aqoonsan doonin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran