Dhageyso Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Ku Tilmaamay Ciidamada Deegaanka Kuwo Aan Garaneyn Waxa Ay U Dagaalamayaan, Ammaana Kala Dul-dhacay Alshabaab

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa xaqiray halganka ciidamada deegaanka, oo ay naftooda qaaliga ku waayeen halyeeyo badan, isagoo ku tilmaamay ciidamada deegaanka dhalinyaro yar yar oo aan garaneyn waxa ay u dagaalamayaan.

Gudoomiye Xasan Cumar ayaa sidoo kale ammaan kala dul-dhacay kooxda Alshabaab, isagoo tilmaamay in xilligii ay ka talinayeen Al-shabaab magaalada Marka ay aad uga amaan wanaagsaneyd xilligan ay ka talineyso dowladda uu isaga madaxdeeda gobolka SH.Hoose ka mid yahay.

Gudoomiye Xasan Cumar ayaa sheegay in Degmada Jannaale ay dhibaato ba’an ka jirtay xilligii dowladda uu isaga ka tirsan yahay ay ka talineysay, xilligan oo ay Shabaab gacanta ku hayaana uu aad uga fiican yahay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE