Dhageyso Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Deegaanka Ee Buufow Oo Sheegay In Dhinac Walba Shabaab Kaga Hareereysan yihiin, Kuna Sugan Yihiin..

Sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka oo u hadlay Idaacadda Danan ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan aaga Buufow ay dhinac walba kaga hareereysan yihiin Maleeshiyada Alshabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh Nuur Cumar ayaa intaa ku daray in iyaga ay ku sugan yihiin goobo yar oo aagaasi dhaca.

Sarkaalka ayaa sidoo kale ka hadlay in ay habeenkii xalay ahaa dagaal gaadmo ah ku qaadeen goob u dhow Busley Daauud oo xarun u ahayd Alshabaab iyo kooxda isbahaysiga la ah ee dadka deegaanka dhibta ku hay, qasaarana ay soo gaarsiiyeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran