Gudiga Doorashooyinka K.Galbeed Oo Ka Hadlay Xilliga Ay Bilaabaneyso Qabashada Codsiyada Musharixiinta Xildhibaanimo

Gudiga doorashooyinka maamul goboleedka K.Galbeed ayaa ka hadlay halka ay u marayaan howlahooda ku saabsan doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo bisha soo socota.

Sayid Cali Baafo oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashada K.Galbeed ayaa sheegay in xilligan ay ku jiraan diiwaan gelinta Liiska Odayaadha soo xulaya xildhidhaabada Baarlamaanka, howshoodana ay dardar xoog leh ku socoto.

Baafo ayaa intaa ku daray in Odayaasha ay ku dabagelayaan arintaas, si ay u hubiyaan in howlaha loo baahan yahay ay waqtigooda ku soo dhamaadan.

Baafo ayaa hoosta ka xariiqay in qabashada araajida musharixiinta xildhibaanimo ay bilaaban doonto xilli dhow marka ay soo dhamaato howsha diiwaan gelinta odayaasha soo xulaya xildhibaanada.

Waxaa lagu wadaa in doorashada dadban ee xildhibaanada ay bilaabato bisha soo socota 30-keeda walow ay suura gal tahay in ay dib uga dhacdo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran