Gudoomiye Xasan Cumarey Oo Eedeymo Kulul U Jeediyay Wasiiro Ka Tirsan Maamulka K.Galbeed

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa ku eedeeyay wasiiro ka tirsan maamulka K.Galbeed in ay magaalada Muqdisho ka wadaan kulamo la doonayo in lagu sii holciyo dagaaladii muddada sanadaha ahaa ka socday gobolka Sh.Hoose.

Gudoomiye Xasan Cumar oo la soo xiriiray shabakadda markacadey.com ayaa sheegay in wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee K.Galbeed Xuseen Cali Xaaji iyo wasiirka dib u heshiisiinta maamulkaas Maxamuud Caraale ay Hoteelada Muqdisho ka wadaan shirar lagu sii holcinayo colaada Sh.Hoose.

Gudoomiye Xasan Cumar ayaa intaa ku daray in labadan wasiir ay Hoteel ku yaala magaalada Muqdisho ku kulminayaan qaar ka mid ah dhalniyarada Sh.Hoose, iyagoo wada qorshooyin liddi ku ah xasiloonida degmada Marka, taasna ay tahay arin ka maamul ahaan aysan ogolaan doonin.

Gudoomiyaha degmada Marka ayaa carabka ku adkeeyay in isaga ka gudoomiye ahaan uu wakiil ka yahay shacabka degmada Marka, sidaas darteed uusan indhaha ka qarsan karin kulamada lagu dhibaateynayo shacabka degmada ee wasiirada Xuseen Cali Xaaji iyo Caraale ay ka wadaan Hoteelada Muqdisho.

Mudane Xasan Cumarey ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaliya iyo Hay’daha Qaramada Midoobey in aysan ku kadsoomin kulamada iyo siminaaro- ku sheega shirqoolka ah ee magaca dib-u heshiisiin iyo is-dhexgal la huwiyay.

Gudoomiyaha degmada Marka oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Sh.Hoose in ay ka shaqeeyaan nabadda, wixii nabadgelyadooda halis gelinayana ay meel uga soo wada jeestaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open