Nin Caawa Lagu Gowracay Magaalada Marka

Waxaa caawa Maqribnimadii gurigiisa oo ku yaala xaafadda Abasiibo ee magaalada Marka lagu dilay nin ka mid ah dadka magaalada.

Ninkan oo lagu magacaabo Xuseeney ayaa waxaa gurigiisa ugu yimid, kadibna ku gowracay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Xuseeney ayaa inta aan caawa la gowracin ka hor waxaa dhowr jeer fariimo handadaad ah u soo diray kooxda Al-shabaab.

Xuseeney ayaa horay xaafadda Abasiibo ugu lahaa Ceel-biyood, waxa uuna ahaa nin xaafadda caan ka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE