Qorshe Halis Ah Oo Alshabaab Ka Fulin Lahayd Degamada Qoryooley Oo La Fashiliyay

Warar naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in maanta gudaha suuqa lagu fashiliyay 3 miino oo la doonayay in lagu qarxiyo suuqa maalinta berri ah.

Qaraxyadan ayaa waxaa dhigay maleeshiyada Alshabaab, waxayna ugu tala galeen in ay ku qarxiyaan suuqa Qoryooley maalinta berri ah oo ah maalinta uu ugu buuqa badan yahay suuqa.

Qaraxyada ayaa waxaa fashiliyay khubaro ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid magaalada Shalambood.

Qaraxan ayaa hadii uu u fuli lahaa sida loogu tala galay waxaa uu galaafan lahaa nolosha dad badan oo maalinta berri ah u soo dukaameysi tegi lahaa magaalada Qoryooley.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open