Shacabka Magaalada Jowhar Oo Ka Mudaaharaaday Dhibta Ciidamo Looga Soo Dhoofiyay Muqdisho

Shacabka magaalada Jowhar ayaa maanta isugu soo baxay mudaaharaad ay uga cabanayaan cidamada dowladda oo dhibaato ba’an ku haya.

Dadweynaha ka qebgalay mudaaharaadka ayaa soo maray wadooyinka magaalada iyagoo ku dhawaaqayay halkudhegyo ka dhan ah ciidamada dowladda.

Mudaaharaadka ayaa yimid kadib markii dagaal magaalda ku dhex maray laba ciidan oo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dhinteen laba qof, seddex kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro cunug yar.
Ciidamada dowladda ee ay shacabka jowhar ka cabanayaan ayaa ah kuwo dhowaan looga keenay magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda ayaa xoog ku kala eryay dadka mudaaharaadayay, qaarna xiray.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Cabdulqaadir Buurfuule ayaa dadweynaha magaalada ugu baaqay in ay is dejiyaan, dhibaatada ciidamada ay geysteena ay xalin doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran