Soomali Laba Sanadood Ka Badan Ku Xirnaa Uganda Oo Loo Ogolaaday In Ay Dib U Soo Codsadaan In Damaanad Lagu Daayo

Todobo dhalinyaro Soomaliyeed oo muddo ka badan laba sanadood ku xirnaa dalka Uganda ayaa maalintii shalay ahayd laga aqbalay in ay dib u soo codsadaan in damaanad lagu sii daayo.

Dhalinyaradan oo lagu heysto in ay qorsheynayeen in weerar argagaxiso ka geystaan dalka Uganda ayaa xabsiga ku jiray Laba sanadood iyadoo aan maxkamad la soo taagin?

Bishii Disembar ee sanadkii 2014 ayay dhalinyaradan soo codsadeen in damaanad lagu daayo waana laga diiday.

Waxaa hadda maxkamadda u ogolaatay in mar kale ay soo codsadaan, si loo eego in damaanad lagu deyn karo, waxaana la dhegeysan doonaa bishan 29-keeda.

Dhalinyaradan Soomalida ah ayaa laga qabtay  bishii Septembar 2014 Hotel ku yaala xaafadda Kisenyi ee magaalada Kampala, waxayna ku xiran yihiin cabsi lagu magacaabo Luzira.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran