War Culus:Dowladda Mareykanka Oo Gawaari Dagaal Ka Gadeysa Xukuumadda Soomaliya

Wasaaradda difaacada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay la gashay shirkad sameysa hubka oo laga leeyahay dalkaas heshiis ay gawaari ciidan ka gadeyso seddex dal oo ay ku jirto Somaliya.

Dalalka ay shirkaddan ka gadeyso gawaarida ayaa kala ah: Somaliya, Ciraaq iyo Kaamiroon.

Shirkaddan hubka sameysa oo lagu magacaabo Oshkosh ayaa in ka badan 1500 oo gawaarida dagaalka ah ka gadeysa seddexdan dal.

Gawaarida ayaa waxaa ku kaceysa aduun lacageed oo dhan 378.1 milyan oo doolar, waxaana lagu wadaa in shirkadda ay gaarsiiso dalalkaas ka hor bisha July ee sanadka 2018.

Shirkadda Hubka ee Oshkosh ayaa xarunteeda tahay gobolka Wisconsin ee Mareykanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open