Baaq Nabadeed Oo Ku Wajahan Dirirta Ku Dhex Martey Labada Beelood Ee Walalaha Ah Degmada Ceel Afwayn – W.Q Sultan Abdikariim Farah DULMI DIID

Bismilahi raxmaani raxiim ASC
Waxaan marka hore aniga oo aad iyo aad uga murugoonaya tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan dadkii eheladoodu ku dhinteen shaqaaqooyinkaa ka dhacay degmada CEEL AFWAYN ee Gobolka Sanaag
Waxaan sidoo kale ilaahay uga baryayaa in uu intii ku dhaawacantey caafimaad dagdag ah siiyo intii ku dhimateyna naxariistii janno ka waraabiyo…………………..

Baaq nabadeed
Waxaan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalaha ah Biciido iyo Sacadyoonis in ay xabada u joojiyaan si bilaa shuruud ah wixii khilaaf ee jirana wada hadal lagu xaliyo ilaahay SWT na ay u noqdaan oo ay ka cabsadaan waxaan leeyahay ma tihidin laba reer oo kala reer ah ee marka hore waxaad tihiin umad islam ah oo u hogaansanaanta ilaahay ku walaaloobay
Mar labaad waxaad tihiin Somali mar sadexaad waxaad tihiin duriyada sheekhii caalimka ahaa ee la mahadiyey sheekh isxaaq
Mar afraad waxaad tihiin umad ku heshiis ah hanaanka wada noolaanshaha siyaasada oo waxaad tihiin tiir dhexaadka Jamhuuriyada barakaysan ee somaliland sidaa daraadeed ma tihidin marnaba kuwii is dili lahaa……………………...

waliba hadaad tihiin reer sanag waxaad tihiin rag ku wada nool gobol rag badani dhiilasha u culanayaan waxaana in badani maagantahay  sidii ay u hoosgayn lahaayeen Gobolka Sanaag nidaamka ay ugu yeedhaan  federalka Somalia…………………..……

Waxa aan meesha ka maqneyn damaca aan xaqiiqada iyo aqoonta ku dhisneyn ee maamul Goboleedka Puntland oo iyaguna midiyaha u lisanaya macdanta uu qaniga ku yahay Gobolka Sanaag sidii ay uga faa,iideysan lahaayeen soona wada wado loogu magac darey Ceel Daahir ilaa Ceerigaabo………………..……..

Hadaba waxaad kaga hortagi kartaan damaca xeesha dheer ee ku wajahan Gobolka Sanaag isku duubni iyo wada jir………………………

Tallo soo jeedin
Waxaan u soo jeedinayaa dhamaan haldoorka beelwaynta reer sheekh isxaaq sida culumaa udiinka salaadiinta cuqaasha aqoonyahanka dhalinyarada bahda saxaafada abwaaniinta iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada in ay meel ugasoo wada jeestaan joojinta colaadan sokeeye iyo xal u helida khilaafkii keenay colaadan………………….…….

Digniin
Waxaan uga digayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyan warbaahinta raad baradkaa iyo siyaasiyiinta kartida yar ee ku macaasha colaadaha sokeeye ee qabaa,ilka
In ay ka digtoonaadaan hurinta colaada labadan raas ee walalaha ah……………………….……

WAA TILMAAMIHII TALADII IYO TOOSINTII SHACABKA EE……………………….….

G……Ururka Cadaalada iyo sinaanta ee SIME
Ahna Qoraha barnaamijka qalinka nabada Soomaaliyeed…………………….

Sultan Abdikariim Farah (DULMI DIID)

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open