Dhageyso Xildhibaan Dalxa “Dowlada Soomaaliya Waa Inay Hubisaa Dambiyada Loo Haaysto Dhalinyarada Lagu Xukumay Dalka Hindiya”

Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka fedaraalka ahna Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gudiga arimaha dibada ee Baarlamaaka ayaa dowlada Fedaraalka ugu baaqay in ay wax ka tiraahdo dhalin yarada la sheegay in lagu xukumay dalka Hindiya.

Prof Dalxa ayaa ugu horeyn sheegay in dowlada Soomaaliya laga doonayo in ay hubiso eedeymaha lagu haaysto dhalinyarada oo ah dambiyada la xiriira burcad badeednimo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xildhibaanku soo jeediyey in ay qalad tahay in dhalanyaro Soomaaliyeed oo aan lasoo bandhigin cadeymaha lagu heysto xukuno leysaga rido.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran