Doorashada Dalka Oo Markale Dib Loo Dhigay, Xilli Maanta Ay Ku Beegneyd In Lagu Dhawaaqo..

Maantey oo taariikhdu tahay 25 Seteember waxay ahayd in lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada Aqalka sare, sida horey loogu heshiiyey taas oo aan weli dhicin.

Aqalka sare ayaa ka koobnaan doona 54 Xildhibaan, waxaana soo sharaxaya Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada halka saxiixa u danbeeya ay leeyihiin Madaaxweynayaasha Dowlad Goboleedka, waxaana nidaam gaar ah la siiyey Gobolada Hiiraan/Shabeelada Dhexe iyo Somaliland.

Dhanka kale waxaa baaqdey oo aan weli bilaaban doorashada Aqalka Hoose oo ka kooban 275 Xildhibaan, sida horey loogu heshiiyey waxay ahayd in ay bilaamato maalintii shalay lana ee taariikhdu ahayd 24 Seteember, lana soo geba gebeeyo 10 Oktoobar. Sida uu ahaa jadwalka xiliga la dhaarinaayo Xildhibaanada ayaa ahayd 20 Oktoober oo ay ka harsan tahay 26 maalmood oo keliya.

Gudiga doorashooyinka ayaan weli go’aan ka gaarin mudda kordhinta loo sameenao doorashada, waxaana weli jirta in Madaxda Madasha ay ku fahmi la’yihiin waqti kordhinta.

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegeysa in ku dhawaad 45, cisho dib loo dhigi doono doorashada Baarlamaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open