Maamulka Magaalada Marka Iyo Bulshada Deegaanka Oo Iska Kaashanaya Dhismaha Buundo Muhiim Ah (Sawiro)

Maamulka Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa bilaabay dhismaha  Buundo muhiim u ah isu socodka magaalada.

Buundadan oo ku taalla wadada isku xirta deegaanka Ceeljaalle iyo Marka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxa soo wajahay burbur xoogan.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo hor boodaya howsha dhismaha Buundada ayaa sheegay in heer gabagaba ah ay mareyso shaqada ay u hayaan Bulshada.

Wuxuu intaa ku daray in dhawaan dayactir iyo dhisme ay ka bilaabi doonaan Buundooyin kale oo xilli roobaadka sababa inuu istaago isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Bulshada ayuu ugu baaqay inay si wadaan taageeridda Maamulka, isagoo dhanka kale ugu baaqay qurba joogta in ay gacan ka geystaan hormarka deeganka.

unnamed unnamed-jpge unnamed-jpgg unnamed-jpgi unnamed-jpgj unnamed-jpgkk unnamed-jpgl unnamed-jpgll unnamed-jpglwe unnamed-jpgo unnamed-jpgp unnamed-jpgytgy

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open