Mas’uuliyiinta Ugu Sareyso Villa Somalia Oo Dhammaantooda Raadinaayo Xildhibaanimo

Ra’iisulwasaaraha dowladda Federalka Cumar Cabdirashiid ayaa dhowaan u baqoolay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, warar soo baxaayo waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare CC uu raadinaayo inuu ka mid noqdo xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Cusub.

Sidoo kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa isagana ku sugan magaalada Baydhabo isagoo raadinaayo ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Federalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkiisa madaxtinimo dhamaaday ayaa xiligan raadinaayo xildhibaanimo isagoo xataa ka baaqdey shirka Qaramada Midoobey.

Ka mid noqoshada baarlamaanka Federalka cusub ayaa loo arkaa talaabada ugu horeyso ee loo qaadi karo dhanka siyaasadda Soomaaliya  islamarkaasina qofka xil raadiska ah uu ku yeelan karo cod uu saameyn ku yeesho.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Cumar ayaa u wada tartamaya xilka madaxweynenimo ee Somalia, halka Prof. Jawaari uu raadinaayo in uu xilkiisa markale ku soo laabto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran