Mid Ka Mid Ah Beelaha Ka Qeyb Galaya Shirka Jowhar Oo Isaga Baxday (Sawiro)

Beesha Shiikhaal oo ka mid aheyd beelihii ka qeyb galayey shirkii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ee ka socday magaalada Jowhar ayaa ku dhawaaqday in ay isaga baxeen hoolka shirarka.

Odayaal iyo waxgaradka kasoo jeeda Beeshaasi ayaa sheegay in ay ka cabanayaan qaabka loo qeybiyey Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Dhismaha Maamulka labada Gobol ayaa waxa hareeyey khilaafaad iyo isjiid jiid badan, waxaana hada howsha dhismaha loo gacan geliyey Urur Goboleedka Igad.

ab5 ab6 ab7 ab10 ab11

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE