Xildhibaanada Beesha Biimaal Oo Diyaarsaday Xubno Ay Codadkooda Ku Xisaabtamaan Iyo Ergooyinkii Dib USoo Dooran Laheyd (Warbixin)

Iyadoo lagu guda jiro xulista Ergooyinka dooran lahaa Baarlamaanka fedaraalka ayaa waxa soo baxaya arimo la ayaab leh oo ay ku kacayaan Xildhibaanada doonaya inay dib usoo laabtaan.

Xildhibaanada qaar ee ka cabsi qaba in ay soo laan doonin kursiga ee tuhunsan in cod ay ka heli doonin Ergooyinka diyaarinteeda ay socota ayaa wada qorshe ay ku diyaarsanayaan sidii ay ay usii xajisan lahaayeen kuraasta ay ku fadhiyaan.

Wararka ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa xaqiijiya in xidhibaanada qaar ay diyaasadeen xubno ay ka dhibaan kacaga Musharaxiinta.

Xubnahan lacagaha laga dhiibayo ayaa maqaar saar ah, waxaana waxba ka jirin sheegashooda ay ku doonayaan kursiga Baarlamaanka, waxaana codadkooda ku xisaabtamaya mudanayaasha ka dhiibaya lacagaha.

Waxa jira Xogo kala duwan oo aan heleyno oo ku saabsan sida ay socota howsha isdaba marinta ah ee wadaan shakhsiyaadka xil ma gooyayaasha ah ee aan Abaalka u Ergan Beesha ay ku matalaan Dowlada Fedaraalka, waxaanna ka gaabsanay in aan soo bandhigno inta badan xogta aan heleyno.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa intooda badan diyaarsaday Liis ay ku qoranyihiin Ergooyinka dib usoo dooran lahaa, waxaana jira juhdi iyo maskax ay ku bixinayaan sidii ay u meel marin lahaayeen qorshahooda.

Xildhibaanada Biimaal

Xildhibaano todoba gaaraya oo Beesha Biimaal ay ku leedahay Baarlamaanka waqtigiisu idlaaday ayaa ku fashilmay kasbashada Beesha, waxaana ay isugu darsadeen daciifnimo iyo xaqiraad ay ku hayaan Ciidamada ilaalinaya sharafta magacooda.

Xisbiga Ibraahin Cali Xaaji oo uu qeyb ka yahay Awyare Abshirow ayaa dhankiisa wada dadaal xoog leh oo ay ku sii xajinayaan kuraasta Baarlamaanka ee ay ku fadhiyaan shahsiyaadkan, waxaana ay culeyso ku hayaan dhalin yaro da’yar oo aqoonyahaan ah kuwaas oo isu soo taagay qabashada xilka, si markay ku guuleystaan ay uga soo dhalaalaan shaqooyinka ay ugu baahinyihiin Bulshada soo dooratay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran