Axmed Maclin Fiqi Oo Ayaan Daro Ku Tilmaamay Dib U Dhaca Doorashada, Isagoo Ku Baaqay Inay Iscasilaan Gudiyada..

Maalintii shalay waxaa socday qorshe la doonayay in gudiga madaxa banaan ee doorashada Soomaaliya ay ku dhawaaqaan dib u dhac ku yimid doorashada sanadkaan.

Gudiga oo saxaafadda ugu yeeray hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa markii dambe ku wargeliyay ineysan hadli doonin oo ay jiraan murun iyo isqabqabsi dhexdooda ah, waxaana lagu wadaa in maanta gudiga ay ku dhawaaqi doonaan dib u dhaca
doorashada, sida qorshaha uu yahay haddii aysan wax iska badalin.

Idaacada VOA ayaa heshay xog sheegeysa in la qorsheeyay in doorashada madaxweynaha ay dhacdo Ilaa bisha Novembar.

Axmed Macalin Fiqi ayaa arintaan ku Sifeeyay Fashil ku yimid Gudigii Doorashooyinka, Islamarkaana ay tahay Ayaan Daro-wayn inay mar kale dib u dhigaan Doorashada, Wuxuuna ugu baaqay inay iscasilaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran