Kooxo Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Gaari Uu La Socday Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamada Ciidamada

Kooxo hubeysan oo watay Gaari nooca raaxada ah ayaa magaalada Muqdisho ku weeraray xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada C/laahi Xuseen Maxamed (Mayoonge ).

Xilliga weerarku dhacayey ayaa la sheegay in xeer ilaaliye ku xigeenka oo la socday gaari kale uu marayey isgoyska Xereryaale degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Waxa la sheegay in kooxaha hubeysan ay gaariga Xeer ilaaliye ku xigeenka ku horgooyeen gaari kale oo ay wateen ka dibna ay hubiyeen rasaas.

Rasaasta lagu furey gaaraiga ayaa sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah waxa ku dhaawacmay Xeerilaaliye ku xigeenka iyadoo la sheegayo in uu ku geeriyooday darawalkii gaariga waday.

Kooxaha weerarka geystay ayaa isaga baxsaday goobta mana jirto ilaa hada cid loo soo qabtay falkan.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE