Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada midoobe (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Madaxtoyada Puntland ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee dhianaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka ayaa la sheeagay iyo Madaxweynaha iyo Wafdiga Qaramada midoobe ay ka wada hadleen Maxaabis badan oo ku jirta Xabsiyada Puntland oo ay ku jiraan Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii dhex maray Puntland iyo Alshabaab.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Gaas ka xog wareystay Maxaabiista Shabaabka laga soo qabtay oo da’dooda ay aad uga yartahay 15 sano jir, kuwaas oo wax xukun ah aanu qabaneynmarka loo eego dastuurka Puntland iyo xeerarka Caalamiga ah ee dhanka Xaruurta.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Peter De Clercq iyo wafdigiisaba u sheegay in ay dawladdu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ay carruurtaasi u samaysay dhaqan celin iyo daryeel dhinac ah maadaama oo ay carruurtaani yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed isla markaana iyaga oo aan qaan-gaarin ay soo majara habaabiyeen kooxda Al-shabaab.

img_8288 img_8290 img_8291 img_8294 img_8298

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran