Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Xil U Magacaabay Hoorjooge Indhacade

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xil culus wuxuu u magacaabay Horjooge Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade.

Sheekh Shariif oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga mid noqdo musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxtinimo ayaa Madaxa Ilaaladiisa u magacaabay Yuusuf Indhacade.

Horjooge Indhacade oo horey ula soo shaaqeeyey Sheekh Shariif ayaa noqonaya Taliyaha ilaaladiisa waxaana tallaabada ay kusoo aadeysaa iyadoo loo cabsaday Madaxweynihii hore.

Waxa jirey warar soo baxayey oo sheegayey in guriga Sheekh Shariif laga dejiyey magaalada Muqdisho uu amaankiisa u xil saarnaa Horjooge Goobaale oo dhawaan ku halaagsamay weerar lagu qaaday gaari uu la socday.

Indhacade oo qeyb ka ahaa dhabaatooyinkii iyo burburkii soo maray dalka ay weli ku taamaya in xilal uu ka qabto xukuumadaha dalka, waxaana laga yaabaa in xilal muhiim ah loo dhiibo hadii doorashada dalka uu kusoo baxo Sheekh Shariif.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE