Odayaasha Dhaqanka Beesha Biimaal “Shalay Xasan Sheekh Ayaa Colaada Hurinteeda Waday, Maanta Koonfurgalbeed”

Odayaasha dhaqanka Beesha Biimaal ayaa si kulul uga horyimid wadahadal sheegay in maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Shir ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen Wasiirka dib u heshiisiinta iyo wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Maamulka Koonfurgalbeed ayaa maalmahan waxa uu u socday Beelaha ku dagaalamaya Gobolka Shabeelada hoose.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee Beesha Biimaal ayaa sheegay in Maamulka Koonfurglbeed uu mashruuc ka dhigtay dib u heshiisiin ay kaga golleeyihiin in ay ku cunaan dhaqaale laga soo aruuriyo hey’adaha UN-ka.

Waxa ay sheegeen Odayaasha in ay waxba ka jirin shirarka iyo wadahadalada Muqdisho lagu qabtay, waxaana been abuur ay ku tilmaameen sheegashada Maamulka Shariif Sakiin ee uu ku sheeganayo daminta Colaada.

Nabadooan Daa’ud Hudle Kheyre oo ka mid ah Waxgaradka Biimaal ayaa Shariif Sakiin iyo wasiiradiisa Maafiyada ah ku eedeeyey nabad la’aanta ka jirta Marka iyo guud ahaan shabeelada hoose, waxaana uu intaa hadalkiisa ku daray in shalay colaada uu hurinayey Madaxweyne Xasan Sheekh, maantana shaqada uu la wareegay Shariif Sakiin.

Dhanka kale Nabdoon Kuule Abiikar Muudey ayaa ugu baaqay shacabka in ay ku seexaniin Wasiirada Maafiyada ah ee ka tirsan Maamulka K/galbeed islamarkaana ay u midoobaan colaadda ay ku hayaan Mooryaanta dhulboobka.

Waxa horey u jirey  shirar kala duwan kuwaas oo lagu qabtay meelo kala duwan, waxaana shirarkaas looga hadlayey colaada Shabeelada hoose, mana jirin wax isbedel ah oo ka dhaqan galay Gobolka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open