Ugaaska Beesha Xawaadle Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Shalay Kasoo Yeeray Gudiga Doorashooyinka

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa ku Gacan-seyray Hadalkii Maalintii Shalay ka soo yeeray Guddiga hir-gelinta doorashada heer Federaal ee dalka oo go’aan ku gaaray in xildhibaanada Baarlamaanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu soo xulayo Muqdisho.

Ugaaska, ayaa sheegay in marar badan oo hore ku celceliyeen dooddooda ku saabsan habka soo Xulista Xildhibaannada Federaalka iyo guud ahaan nidaamka doorasho ee Dalka, Balse sida uu sheegay Dowladda Federaalka iska dhaga tirtay dalabkooda, isaga oo dhinaca kale meesha ka saaray jiritaanka tirada duubabka dhaqanka guddiga doorashadu sheegeen in ay go’aankaa qaateen.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada reer Hiiraan aan lagu xali karin meel ka baxsan Beledweyne, waxaana warka sheegaya in Muqdisho lagu xuli doono uu ku tilmaamay mid aan u cuntamin dhankooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open