Waasiirka Warfaafinta Puntland Oo Iska Casilay Xilkii Uu Hayey

Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u haayey maamulka.

Wasiir Soocade oo la hadlay warbaahinta ayaa iscasilaadiisa u sababeeyey  arimo qoyseed oo isaga u gaara ah sida uu sheegay, waxaana intaa uu ku daray in Madaxweynaha Puntland uu ka aqbalay.

Mar uu ka hadlayey wadashaqeynta dhex martay Madaxda Maamulka iyo qeybaha Bulshada ayuu ku tilmaamay mid aan la iloobi doonin.

Soocade ayaa Maamulka uu Madaxweyn aha ka yahay Dr C/weli Gaas kasoo qabtay xilalka Wasiir Ganacsiga iyo xilka maanta uu iska casilay.

Wasiirka ayaa lagu xasuusan doonaa hadalo kulkul oo warbaahinta uu u marin jirey Saxaafadda Puntland, waxa la sheegaa in uu shakhsi aan ka gamban hadalada carada dhaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran