Deg Deg Mooryaanta Habargidir Oo Dil Argagax Leh Ka Geysatay Magaalada Marka

Wararka laga helaayo magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay dil aad u fool xun.

Dilka ayaa waxa loo geystay sida wararka aan ku heleyno Wiil dhalan yara ah oo lagu magacaabo C/raxmaan Cali Cabdalle oo ka mid ah dadka deeganka, kaas oo kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mooryaan ka tirsan kuwa Habargidir ee xooga ku jooga magaalada Marka ay geystaan dilka, xilli marxuumka uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa.

Tallaabada Maanta Mooryaanta Habargidir ay ku toogteen Marxuum C/raxmaan Cali Cabdalle ayaa imaaneysa iyadoo saacadahii lasoo dhoofaay shirar been abuur ah iyo shirqoolo ay ka socdeeen hoteelada Magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu sheegay shirar dib u heshiisiineed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE