Dhageyso Howlgal Gaar Ah Oo Maanta Laga Sameeyey Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Gelinkii hore ee ayaa waxaa la xanibay ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii Suuqa Bakaaraha, waxaana loo diidaayay dadka inay gudaha u galaan Suuqa ama ay ka soo baxaan, balse dadka oo dhan goobo kala duwan ayaa la isugu geeyay oo ciidamada ay ku kala saarayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda ayaa sheegay howlgalka maanta inuu ahaa qorshihiisa bartilmaameed gaar ah oo laamaha ammaanka Dowladda ay bartilmaameedsanayeen.

Saraakiisha ayaa intaasi raaciyey in howlgalkaasi lagu soo qabtay saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay doonayeen, kuwaasi oo hada gacanta ciidamada Nabadsugidda ku jira, si wax looga weydiiyo tuhumada lagu haaysto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open