Doodii Ugu Horeysay Oo Dhexmartay Musharaxiinta Xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga Ee Maraykanka

Markii ugu horey dalka Mareekan waxa dood fool ka fool ah isku arkay Musharxiinta Xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga, Hillary Clinton iyo Donald Trump.

Dooda musharaxiinta oo siisa gaara ah huwaneyd marka loo eego Ololaha dhanka doorashada ayaa waxa diirada lagu saarayey arimaha ay ka mid yihiin shaqo abuurista, dhaqaalaha Maraykanka iyo Siyaasada Arrimaha Dibada.

Clinton ayaa loo badinayaa inay ku guuleysatay dooda maadaama ay u muuqatay qof si weyn u soo diyaargaroobay, halka Donald Trump uu marar badan hadalka ka boobay haweeneyda la tartameysa.

Trump ayaa Clinton ku eedeeyay in aysan la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne, halka Clintonna ay Trump ku eedeysay in uusan ka war qabinba wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah islamarkaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open