Faafaahinno Dheeri Ah Oo Laga Helaayo Dagaal Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

Wararka imaanaya magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo leysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan maamulka Shariif Xasan, waxa uuna dagaalkaasi yimid kadib markii lagu murmay sii deysmada Nabadoon Magaaladaasi lagu xiray.
Dagaalka ayaa dad goob joogayaal ah waxa ay sheegeen inay ku dhinteen in ka badan laba ruux, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray ilaa Lix Askari, dadka dagaalka ku waxyeeloobay ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.
Waxa war ah lagama haayo saariisha qeybta 60’aad ee ku sugan Baydhab iyo Maamulka Koonfurgalbeed.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran