Kooxda Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Askari U Dhashay Dalka Uganda Oo Ay Ku Qabteen Dagaal Ka Dhacay Janaale (Sawiro)

Warbaahinta Kooxda Al Shabaab, ayaa maanta baahisay muuqaal uu ka soo dhex muuqday Askari u dhashay dalka Uganda, kaasoo ay maxbuus ahaan ugu jira Gacanta Shabaab.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa M.Y, ayaa ka tirsan yahay Ciidamada Militariga Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika, waxaana lagu qabtay dagaal Shabaabku ay ku qaadeen 1-dii bishii September ee sanadkii 2015-ka Degmada Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Askarigan Maxbuuska ah ayaa baaq u diray Madaxweyne Uganda Yoweri Museveni iyo shacabka reer Uganda, iyadoona uu ka codsaday inay ka shaqeeyan sidii uu xuriyadiisa dib ugu heli lahaa.

Waxaana uu si toos u codsaday in Ciidamada Uganda laga saaro dalka Soomaaliya si ay u helaan xuriyadooda.

Shabaabka ayaa baahiya muuqaalo iyo macluumaad kala duwan oo ay ka qaadaan Askar si maxaabiis ahaan ah ay ugu qabtaan weeraro ay ku qaadaan xerooyinka Ciidamada, askartaas ayaa lagu qasbaa in ay dalalkooda weydiistaan fulinta rabitaanka kooxda Shabaab.

maxbuus maxbuus1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE