Maamulka Magaalada Marka Oo Soo Gabagabeeyey Dayactirka Buundo Isku Xirta Marka Iyo Deegaanka Ceeljaale (Sawiro)

Maamulka magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta soo gabagabeeyey dayactir maalmihii lasoo dhaafay uu ku waday Buundo muhiim ah oo isku xirta Marka iyo deegtaanada dhanka koonfur ka xiga.

Buundadan oo sabab u ahaan jirtay in uu xirmo isu socodka Magaalada iyo deegaanada ku xeeraan xilli roobaadka ayaa Maamulka Marka oo kaashanaya buslshada waxa ay ku sameeyeen dayactir xoog leh.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo warbaahinta Markacadey.com ugu waramayaey shaqada Buundada ayaa u mahadceliyey Shacabka iyo guud ahaan bulshada oo garab istaagay Maamulka.

Wuxuu intaa ku daray in shaqada Maamulka ay sii socon doonto ayna sugayaan howlo kala duwan si bulshada hormarkeeda loo sii wado, waxaana uu sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan shaqooyin kale oo lagu dayactirayo wadooyin iyo buundooyin hgor leh.

Sarkaalka Ciidamada Amisom ee degen xerada Ayuub ee magaalada Marka oo ay wehliyaan Cutubyo ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ayaa ka qeyb galay xaflad xariga looga jarayey Buundadan.

unnamed unnamed1 unnamed2 unnamed4 unnamed5 unnamed6 unnamed7

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran