Dhageyso Musharax Cali Xaaji Warsame Oo Si Kulul U Weeraray Siyaasadda Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday Ee Xasan Sheekh

Musharaxa u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaali Cali Xaaji Warsame ayaa si kulul uga hadlay waqti kordhinta ay sameeyeen Gudiyada doorashooyinka Madaxa banaan oo shalay ku dhawaaqay in muddo bil ah dib loo dhigay xilligii ay ku dhici laheyd doorashada Madaxweynaha iyo tan gudoonka Baarlamaanka.

Siyaasigan ayaa ugu horeyn sheegay in Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu fara gelin ku haayo xubnaha laga soo xulayo Maamul Goboleedyada ee aqalka sare, oo uu sheegay in doorka uu siinayo sidii Muqdisho loogu soo xuli lahaa.

Dhanka kale Musharax Cali Xaaji Warsame waxa hadalkiisa raaciyey in fara gelin uu ku haayo xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, wuxuu arintaas ku sababeeyey in Xasan Sheekh ujeedadiisu tahay sidii uu u abuuri lahaa khilaaf hor leh oo dib u dhac u keena waqtiga doorashada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran