Tababarihii Xulka Qaranka England Ee Sam Allardyce Oo Shaqada Laga Caydhiyay 67 Maalmood Kadib Markii Uu Shaqadan Loo Magacaabay Iyo FA-ga Oo War Ka Soo Saaray

Xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in shaqadii laga caydhiyay tababarihii Sam Allardyce kaas oo si qarsoodi ah looga duubay muuqaal fadeexad wayn ku noqdotay isaga oo rag ganacsato ah kala heshiisyay in ay galaan heshiis £400,000 kun oo gini ah kaas oo uu si cad ugu sheegay in ayna wax dhibaato ah ku noqon doonin sida ay sharciga FA-ga u baal maryaan. Big Sam ayaa shaqada England hayay 67 maalmood oo kaliya.

Tababaraha xulka qaranka England U21 ee Gareth Southgate ayaa si ku meel gaadh ah u sii qaban doona shaqada laga ruqseeyay Sam Allardyc kaas oo ceeb wayn iyo waji gabax kala kulmay muuqaal ay baahisay Daily Telegraph isaga oo hal kulan oo kaliya soo maamulay xulka qaranka Three Lions.

38d2105100000578-3808824-allardyce_could_become_the_shortest_serving_permanent_england_ma-a-52_1474930613561

Qoraal rasmiga ah oo ka soo baxay FA-ga ayaa lagu yidhi:” Xidhiidhka kubbada cagtu waxay cadayn karaan in Sam Allardyce uu ka baxay booska tababaraha England. Dhaqankii Allardyce sidii maanta lagu waramay  waxa uu ahaa mid aan tababaraha England ku haboonayn, waxa uu qirtay in uu sameeyay qalad wayn raali galin ayuuna ka bixiyay”.

Qoraalka FA-ga oo Sii Socda ayaa lagu yidhi: “Si kastaba ha ahaatee, iyada oo uu ficilkani halis wayn yahay, FA-ga iyo Allardyce waxay si laba dhinac ah ugu heshiisyeen in la kansalo heshiiskiisii kaas oo isla markiiba dhaqan galaya”.

Qoraalka FA-ga ayaa lagu sheegay in Gareth Southgate uu shaqada tababare ee England uu si ku meel gaadh ah u sii qaban doono waxaana qoraalka lagu yidhi: “Gareth Southgate ayaa sii maamuli doona kooxda kowaad ee Seniorka ee afarta kulan ee ay la ciyaari doonaan Malta, Slovenia, Scotland and Spain  halka FA-gu ay bilaabi doonto in ay raadiso tababaraha cusub ee England. FA-gu waxa uu wanaag mustaqbakliisa uga rajaynayaa Sam”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE