Wariye Ka Tirsanaa Idaacadda Shabelle Oo Lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in goor dhow la toogtay Wariye ka tirsanaan Idaacadda Shabeelle oo ka mid ah idaacadaha ugu afka dheer Soomaaliya.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxa ay ku toogtay xaafadda Jiiro Garoob ee degmada Yaaqshiid, joob joogayaal ayaa warbaaahinta u sheegay kooxaha hubeysan in ay saarnaayeen Mooto Bajaaj.

Agaasimaha Idaacadda Shabelle C/maalik Yuusuf ayaa xaqiijiyey dhimashada Wariyaha, Markii ay dilka geysteen ayaa waxay isaga baxsadeen sida caadada ah goobta ay falka ka fuliyeen, mana jirto cid daba gashay dambiilayaasha dilka fuliyey.

wariye

Wariyahan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee laga dilo Idaacadda Shabelle, waxaana horey u jirey wariyeyaal dhowr ah oo siyaabooyin kala duwan dil loogu geystay magaalada Muqdhso.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE