Xildhibaan Cismaan Cimi Boqore Oo Sheegay In Beeshooda Aan Xaqooda Laga Siin Aqalka Sare

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa aad u dhaliilay saamiga laga siiyay beelaha dega Somaliland aqalka sare ee baarlamaanka.

Boqore ayaa intaa ku daray in iyaga ay qabaan in doorashada dib loo dhigo ilaa laga xallinayo khilaafaadka dhinaca qeybisiga aqalka sare.

Xildhibaan ayaa sheegay ilaa hadda aysan cadeyn tirada saxda ah ee beelaha Somaliland ay baarlamaanka ka heleen, isagoo xusay in mar loo sheegay 11 xubnood, haddana loo sheegay in 3 xubnood laga jaray, ilaa haddana aysan waxba u cadeyn.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay nadaxda Somaliya in iyaga ay ku qancayaan in beelaha soomaliland si wadajira ah axaqooda loo siiyo kadib iyaga ay dhexdooda ku heshiiyaan cubnaha ku soo aaday.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open